.Waxaa Wargeysyada ka soo baxa Dalka Ingiriiska ay maalmihii la soo dhaafay hayeen hadal heynta Wasiirka Arimaha Dibadda ee Soomaaliya Isla markaana ah ku sigeenka Ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Mr. Maxamed maxamuud Xaaji Ibraahim, kadib markii Wareysi xiisa leh uu bixiyay Maamulaha Iskuulka Masiixiga Kaatooliga ah ee uu Macalin ka ahaa Wasiirku.
hadal heynta Wargeysyada ee Wasiir Dibadeedka Soomaaliya iyo Wareysiga Maamulaha ayaa laga dhadhansan karaa in Wasiirku aanuu u qalmin jagadaaasi Bacdamaa uusan iskuulka xitaa ka aheyn macallin buuxa, waxayna saxaafadda Soomaalidu u qaateen siyaabo kala duwan, annagoo u qaadannay Jaha ka duwan midda Warbaahinta Soomaalidu badan keed qaateen.
Waxaa noo soo ifbaxay in xulashada Wasiirada Xukuumadda uu madaxa ka yahay Cabdiweli Gaas aysan ku saleysneeyn aqoon, indheergarad iyo khibrad ay ahayd mid uun ah soo qabo oo hebel oo jufadaas ah ku badal hebelkaan oo ay isku jufa yihiin, Shalay ka horna ma garaneeyn Magaca Shaqsigaan Iskuulka Gaalada ka shaqeynayay, Qabiilka u yahay iyo Diinta uu aaminsan yahay Toona, Danna kama aynaan laheyn.
Waxaan meesha ka marneyn bacdamaa Wasiirkii hore ee Gaashaamdhigga oo aan filaayo iney isku jufa yihiin Shaqsigan, isla mar ahaantaana uu ahaa ku xigeenka ra'iisal wasaaraha in Madaxda dalku isku afgarteen in Shaqsigaan la siiyo Jagada Wasaaradda Arimaha Dibadda isla markaana laga dhigo ku xigeenka Cabdiweli Gaas, Waa Duni isdaba martay !.
Su'aasha aan weydiineeyno Dadka reer London ee Yaqaanay Mr Maxamuud maxamed Xaaji Ibraahim iney nagu soo siyaadiyaan Caqiidadiisa wuxuu Aaminsan yahay Diin Islaam iyo Mid Kiristiyaan iyo Waxa ay kala socdaan ardada dhigato Iskuulka Kaatoliga ah ee Axadkaani ka shqeyn jiray Bacdamaa Wareysiga Maamulaha ay ku jirto meel uu kaga hadlaayo xiriirka Wasiirka iyo Ardayda Soomaalida.
Dalkan Canada ee aan ku noolahay ayaan ku arkat Qoysas Soomaali ah oo caruurtooda Geystay Iskuulaadka Yuhuudda (Jewish School) iyo Iskuulaadka Kaatooligga iyagoo sabab ka dhiganaya ilmaha waa loo hagar baxaa oo iskuuladooda si fiican ayaa wax looga bartaa, Waa ayaan darro, Waxaase ilaah mahadiis ah in Masiibooyin iyo Aafo aan Islaamka kale qabin ay haleeshay waalidintii Caruurtooda geysatay iskuulaadkaas kufaarta iyo caruurahooda qaarkood Waxa aysan garaneyn ayaa ah Casharada llo dhigaayo ilamahooda, waxaana hubanti in Ilmahaas aaneeey wax manaafacaad ah u yeelan doonin Waalidiintii dhalay iyo nafsadooda intaba .
Hadal iyo Dhamaantii Wax taya ah oo ay leeyihiin Dowlad ku sheegta Soomaaliya ma jirto, Xitaa tii ina Farmaajo wasiirka kaliya pp aan aamonsaneeyn uu yahay Shaqsi Wadani ah wuxuu ahaa Wasiirkii Caafimaadka Dr Addan, intoodii kale waxaan ka weynay mid qura oo wax lagu amaano leh iyo Wadaniyad yari ku jirto, iyadoo meesha ay ku jirto wasiirkii Arimaha dibadda ee kan ka horeeyay Oomaar, inuu jagada ku helay Afada Madaxweynaha Jabuuti oo kala hadashay Shariif la soo ganay .
MudugNet.com