Dowladda KMG oo joojisay Isticmaalka Baasaborkii hore ee Soomaaliya.
 


MudugNet, Muqdisho, Axad, 17 ka Luulyo, 2011.



 
Shir jaraa'id oo maanta magaalada Muqdisho si wada jir ah ugu qabteen taliyaha hogaanka socdaalka dowladda KMG General C/laahi Gaafow Maxamuud iyo Agaasimaha wasaaradda arimaha Dibadda Dowladda KMG soomaaliya ayaa lagu mamnuucay isticmaalka Basaboorkii hore ee Cagaarka ahaa,isla markaana Ducoments-ka Rasmiga ah ee la isticmaali karo uu yahay Basabooska Cusub ee Electronic-ga ah.
 
General Gaafow ayaa uga Digay dadka xujeyda ah ee Doonaya in xajka sanadka soo gutaan Isticmaalka Basabooskii hore.
 
waaxada socdaalka iyo wasaaradda Arimaha Dibadda dowladda KMG ayaa sheegay in codasiyo kala duwan ay ka heleen wadamada xiriirka la leh soomaaliya oo ku saabsan in la joojiyo Isticmaalka Basabookii hore maadaama uusan ahayn baasaboorka Electronic ah oo oo cid kasta oo aan Soomaali ahayn qaadan karta.
 
Dowlada Soomaaliya ayaa dhowr jeer oo horey u joojisay isticmaalka baasabooskii hore balse waxaa wali aqoonsan oo ogol in la isticmaalo dowlado badan oo xiriir ganaacsi kala dhaxeeyo Soomaaliya.
 
Mudugnet-news