Kulan
Madaxeedkii Madaxweynayaasha
Africa oo Maanta ka furmay
magaalada Aids Ababa dalka
Itoobiya iyo Somalia ka mid ah
Ajandaha.
MudugNet, Muqdisho, Axad, 31ka Janaayo, 2010.
Kulan Madaxeedka Africa ayaa
maanta oo Axad ah waxuu si rasmi
ah uga furmayaa magaala madaxda
Ethiopia ee Aids Ababa waxaana
la soo xeri doonaa labada bisha
february.
Kulanka ayaa waxaa lagu soo
qaadi doonnaa sida dowladaha
Africa leysuga xeri lahaa si
leysaga kaashado horumarinta
Qaaradda madoow waxaa sidoo kale
looga hadli doonaa arimaha
nabadgalyada iyo amaanka ee
Qaaradda gaar ahaan mushkiladda
Darfour, Somalia iyo xaaladda DR
Congo,Niger,Madagascar iyo Ivory
Coast.
Sudan
Iyadoo xoghayaha qaramada
midoobay uu ugu yareeyay dalka
Sudan midnimo ayaa waxaa
diblumaasiyiintu sheegayaan in
hogaamiyaha Libya Qadafi uu u
olaleynayo in mar labaad loo
ogolaado hogaaminta Africa .
Shalay Sabtidii ayuu sheegay Ban
Ki-moon in loo baahan yahay
Sudan oo mid ah waxuu raaciyay
si kastoo ay noqoto aftida laga
qaadaayo dadka reer koofureed
waxaa lagama maar maan ah in
aanu ku fikarnaa wado kale
waayoo midnimada Sudan waa arin
muhiim u ah Sudan iyo
mandiqadaba.
Ban Ki-moon ayaa sidoo kale
sanadan u aqoonsaday sanad
muhiim u ah Sudan waayoo buu
yiri waxaa la qaban doonaa
doorashooyinka waxaana la qaadi
doonaa afti lagu xaqiijin doono
mustaqbalka midnimada ama kala
bahowga reer Sudan.
Xoghayaha ayaa caddeeyay "waxaan
ka shaqeyn doonnaa midnimada
qaran waxa kasta waxaa go'aamin
doona waa dadka dagan koofurta
Sudan balse waan dadaaleynaa si
aan uga baaqsano kala qeybsanaan
suura gal ah".
Mushkiladda Somalia
Mar uu ka warcelinayay su'aal ku
saabsaneyd xaaladda Somalia ayuu
Ban Ki-moon mar labaad ku
celiyay in Somalia nabadii lagu
soo celiyo si ciidamo caalami ah
oo nabad ilaaliyaal ah loo keeno
waxuu sii daba dhigay waxaan
anagu rabnaa nabad aan ilaalino
nabad la dhowraana Somalia kama
jirto.
Kulan madaxeedka Africa ayaa
isagu markaan noqon doona mid
inta badan lagu lafo gurayo
xaaladaha gudaha ee midowga
waxaana la wada baadigoobayaa
ciddii badali laheyd hogaamiye
Qadafi oo hadda mudo sanad madax
ka ah midowga Africa isagoo u
carab laalaadinaya in uu talada
sii hayo.
waxaa Qadafi loo doortay in uu
madax ka noqdo midowgan ka
gooban 53da dowladood intii uu
socday kulan sanadeedkii hore
inkastoo madax fara badan ka soo
horjeeday qabashada Qadafi
xilkaas loo doortay.
Rabitaanka Qadafi
Qadafi ayaa isagu doonaya in uu
sii hayo xilka inkastoo madaxda
Africa isku raacday in halkii
sanaba uu hogaamiyo uu hogaanka
hayo madaxweyne iyadoo la
dhowrayo juquraafiyadda mandiqa
kastaana iyadu soo cayimato
ninka u qaban doona xilka marka
waqtigeeda la gaaro.
Diblumaasi ka rirsan midowga oo
codsaday in aan magaciisa la
shaacin ayaa sheegay in uu
qadaafi iman doono isagoo
doonayo in mar labaad loo
cusbooneysiiyo xilka anaguna
taasi diyaar baanu u nahay mase
ogaalaan doonaan dowlado badan
sida South Africa, Ethiopia iyo
kenya laakin waxuu wafuud u
dirayaa galbeedka Africa waxuuna
bixinayaa ama soo bandhigayaa
waxyaabo la qaadan karo si loogu
kordhiyo"
Sida caadiga ah ayaa waxaa lagu
xulaa madaxa midowga qaab
mandiqadeed ah waxaana hadda la
joogaa waqtigii koofurta
Qaaradda qaban laheyd hogaanka
waxeyna hogaanka cusub u
doorteen madaxweynaha Malawi
Bingu Wa Mutharika si uu u
bedalo Qadafi.
Madaxweynaha Libya ayaa waxaa la
filayaa in uu caddaadis xooggan
saaro Madaxda Africa si uu uga
dhaadhiciyo riyadiisa ah in la
Africa laga dhigo hal dal oo
sida mareykanka ah laakin
dowlado badan oo South Africa
hogaamineyso ayaa qorshaha
Qadafi u arka mid wax yeeleynaya
madax banaanida dowladaha
Africa.