Kooxaha Al Shabaab iyo Jabhadda ONLF oo saaka ku dagaalamay Magaalada Afmadoow Jubbada Hoose.


MudugNet, Muqdisho, Axad, 31ka Janaayo, 2010.


Dagaallo ayaa saa si kedisa ah uga dhacay degmada Afmadoow Gobalka Jubbada Hoose oo dhowr bil ka hor uu kusoo dhamaaday dagaal u dhexeeyay Al Shabaab iyo Axmed Madoobe.
 
Maleeshiyaadkii Axmed Madoobe iyo kuwii ONLF ee in mudda ah ahaa Keymo galeen ayaa saaka weerar kusoo qaaday magaalada Afmadoow gobalka Jubbada Hoose oo ay maamulaan kooxo kale

Weerarkaam oo saaka waaberigii dhacay ayaan si dhab ah loo ogayn khasaaraha ka dhashay laakin waxaa jira in khasaara soo gaaray dhinacyadii dagaalamay iyo Dad Rayid ah.

Saraakiil katirsan Maamulka Afmadoow ayaa qiray jiritaanka weerarkaas waxaana laga yaabaa inay Jawaab ka bixinayaan weerarkaas iyagoona kusoo gaabsaday "waan naqaan halka nagalasoo weeraray.

Wararka qaar ayaa sheegaya in Weerarka lagasoo qaaday Tuulada Diif ee dhacda Xadka islamarkaana ay gaysteen Ciidamo daacad u ah Axmed Madoobe.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho