


Dad Rayid
ah oo ku dhintay Dagaal culus oo
Xalay ka dhacay Magaalada B/xaawo
Gobalka Gedo
MudugNet, Muqdisho, Axad, 31ka Janaayo, 2010.
Warar dheeraad ah ayaa kasoo
baxaya weerar Maleeshiyo
Hubaysan ku qaadeen duleedka
degmada B/Xaawo gobalka Gedo oo
ay maamulaan kooxo Mucaaradsan
dowlada KMG ah.
Wararka nagasoo gaaraya degmada
B/xaawo ayaa xaqiijinaya in uu
geeriyooday qof Rayid ah oo ahaa
Darawal Haweenay rayid ahna ay
dhaawacantay kadib markii
maleeshiyo hubaysan weerar ka
gaysteen duleedka B/xaawo gaar
ahaan meel ay iskula sugnaayeen
ciidan iyo shacab.
Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa
hurdada ka kiciyay shacabka
magaaladaas waxaana lamqlayay
rasaas xoogan oo ay labada
dhinac is dhaafsanayeen
Ilo Xog ogaal ah ayaa sheegaya
in kooxaha weerarka soo qaaday
ay kasoo duulaan tageen degmada
Doolow, isla markaana ay ka
tirsa nyihiin Maleeshiyaadka
Barre Hiiraale.
Ninka dhintay ayaa kasoo jeedo
magaalaa Muqdisho wuxuuna ahaa
Nin Darawal ah oo kaxaynayay
Gaari Rakaab ah oo kusii jeeday
degmada Mandheera, kenya.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho
Warar hoosaad ay heleen
tifatirayaasha MudugNet balse
aanan hubin ayaa sheegaya in
aaney Ciidamada Ethiopia iyo
Kuwa Barre Hiiraale Wax lug ah
ku laheyn dagaalkan Beled xaawo,
balse uu yahay kacdoon ka mid
kuwa lagu xidido siibayo
Argagixisada Shabaab iyo
Khawaarijta Saaxirada Singa
singaha wata kuwaasoo kacdoo
shacab kaga furmay dalka oo dhan
tan iyo intii ay qaraxa arxan
dararada leh ka geysteen
Xafladii Qalin jabinta.
Cabdirisaaq cadde
Toronto, canada.