Ururka Al Shabaab oo Maamul Cusub uga dhawaaqay Degmada Ceelgaras Gobalka Galgaduud bartamaha dalka Somalia


MudugNet, Muqdisho, Axad, 31ka Janaayo, 2010.


Al Shabaab ayaa sheegtay in ay dagaal ku qabsan doonto degmooyin katirsan gobalka Galgaduud oo ay maamulaan Ururka Hubaysan ee Ahlusuna Waljamaaca

Gudoomiyaha Al Shabaab u qaabilsan Gobalka Galgaduud Sheekh Yuusuf kaba Dukade oo shalay Maamul u magacaabay degmada Ceelgaras gobalkaasu G/gaduud ayaa sheegay in ay siiwedayaan maamul u samaynta degmooyinka Gobalkaasi.

Munaasabad ka dhacday Ceelgaras ayay Beesha deegaankaasi sheegtay in ay taageersantahay Islamiyiinta waxaana halkaasi looga dhawaaqay Maamul Heer degmo ah.

Gudoomiye Sheekh Cali Faarax Kheyre, Cabdi Bashiir Axmed Xeyle isna laga dhigay Madaxa dacwada degmada Ceelgaras, Macalin Mahad Saciid Cali Xafiiska Maaliyada degmada Ceelgaras, Maxamed Cabdulle Wehliye Xafiiska nabadgalyada, Sheekh Qaliif Gaambe Jaamac ku xigeenka C/shakuur Daahir Cabdi Xafiiska Garsoorka Xasan Muqtaar Macalin Axmed.
Maalmihii la soo dhaafay ayay Al Shabaab Maamulo u samaynaysay degmooyinka Ceelbuur,Galhareeri iyo Wabxo lamana oga sida ay shabaab ugu suura geli karto in ay wada qabsato gobalka Galgaduud.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho

Waxay ila tahay Khawaarijtu hadeey maamul u dhisayaan Galgaduud iney waqti badan heysteen Maanta oo gees ka agees dalkii looga kacay waxay u yiraahdaan maamul baan dhiseynaa waa munaafaqnimadii lagu yiqiinay Khawaarijta , waase mahad Ilaaheey inaan cid wax ka rumeysaneysaa jirin Argagixisada Khawaarijta.

Cabdirisaaq cadde