Siraaji Sheekh Isxaaq "Madaxda Dowladda waxaan uga Ashtakoonaynaa Maxaa Muqdisho kaliya Ciidan Shisheeye loogu dalbaa, Qaraxyada iyo dilalka Boosaaso, Garowe way ka jiraan".


MudugNet, Muqdisho, Axad, 31ka Janaayo, 2010.


Golaha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa codkooda ku biiriyay diidmadooda ku aadan in Somalia lakeeno ciidan shisheeye oo hor leh xili ay Dowladda Jabuuti dhawaan sheegtay in ay Ciidan usoo wado magaalada Muqdisho.
Xogheyaha Guud ee Dhaqanka Hawiye Siraaji Sheekh Isxaaq ayaa arrinkaasi ku tilmaamay xasuuq kale oo lala damacsanyahay shacabka Soomaaliyeed ee daalan.

Siraaji Isaaq wuxuu carrabka ku dhiftay in Beesha caalamka qolada lamagac baxday ay Cadaw ku tahay Nabadda iyo ku dhaqanka shareecada Islaamka shacabka Soomaaliyeed
"war kasoo yeeray Beesha caalamka kuwa sheegto ee Cadawga AMISOM waqtiga loogu kordhiyay waa fal cadawtooyo ah mana qaadan karno arrinkaas waan cambaarayna"ayuu yiri Siraaji Sheekh Isaaq.

Dhaqanka Hawiye waxay sidoo kale digniin udireen Dowladda Jabuuti oo ay ku Eedeeyeen in ay Ciidan dhibaateeya shacabka muqdisho dhawaan soo diri rabto.
"Jabuuti waxaan leenahay walaaltinimo sinji ah ayaa naga dhaxaysa ha noqona kuwa xasuuqa shacabka Reer Muqdisho hadaad run sheegaysaan magaalooyinka kale ee Somalia maad tagtaan ee qaska ka socda sida Muqdisho oo kale"ayuu hadalkiisa sii raaciyay Siraaji.

Odayaashan Muqdisho waxay sheegeen in ay Madaxweyne Shariif u gudbi doonaan Ashtako ah Ciidamada shisheeye ee dalka Somalia lagusoo dal dalayo "waxaan layaabanahay sababtay Puntland oo qaraxyo iyo dilal ka jiraan Ciidan loo gayn la'yahay oo halkaan Ciidan looga rabo"siraaji.

Koonfurta Somalia gaar ahaan magaalada Muqdisho ayaa Muddo sanada ah ay  goob dagaal oo ay hadba kooxo Hubaysan ku hardamayeen.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho