Wasiiru Dowlaha Gaashaandhigga oo digniin u diray Mid ka mida Idaacadaha magaalada Muqdisho



MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.


Qaar katirsan saraakiisha dowlada Federaalka KMG Somalia iyo Warbaahinta Maqalka ah ee magaalada Muqdisho ayaa isku dhacsan kadib dagaallo dhanka afka ah oo ay warbaahinta samaysay.

Sarkaal katirsan dowlada KMG ah Yuusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde ayaa hanjabaad u jeediyay mid kamida Warbaahinta ka howlgasha magaalada Muqdisho.

Yuusuf Maxamed Indha Cadde oo ah Wasiiru dowlaha G/dhigga ayaa si jees jees ah ula hadlay Idaacadda Alfurqaan magaalada Muqdisho.

Mid kamida Howl wadeenada Idaacadaasi ayaa ii sheegay in Indha Cadde oo ay waraysi ka doonayeen uu si xun ula hadlay Weriyaasha Idaacadaasi.
"Indha cadde ayaan wacnay anagoo waraysi ka rabno wuxuu na dhahay,Aniga Hargaysa ayaa lay dhahaa magacayga soo barta Alfurqaan hadaa tihiin anigaa dhawaan idinsoo booqanaya khadka iiga baxa"ayuu yiri Weriye Idaacadaasi katirsan oo aan lahadalnay.

Indha cadde ayaa ka mid ah dhinacyada sida weyn u diidan dhaq dhaqaaqyada Islaamiyiinta waxayna alfurqaan kamid tahay Idaacadaha madaxa banaan ee magaalada muqdisho kajirta.

Mudugnet.com xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho