Ururka Xisbul Islaam (Xisbul Sheybah wal SHAYAADIIN) oo ku Goodiyay Dagaal hor leh oo ka dhan ah AMISOM iyo TFG ( Waa hadii ay lafahooda ka badbaadsadaan argagixisada Alhabaab )


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.


Kooxda Xisbul Islaami oo ka mid ah dhinacyada sida weyn u Mucaaradsan dowladda KMG ah iyo Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in ay weeraro cuuryaamin ah ku asqeyn doonaan TFG iyo ciidanka shisheeye.

Xoogaga Islaamiyiinta Xisbul Islaami ayaa digniin u diray Dowladda KMG ah kadib muddo sanad ah oo ay Islaamiyiinta dagaal dhegaha ugu laabeen dowlada Shariifka.

Madaxa Howlgada Xisbul Islaam Sheekh Maxamed Caruus ayaa sheegay inay sii Sedax jibaarayaan dagaalada ay kula jiraan AMISOM iyo TFG inta ay dalka joogaan Nasaaro iyo Murtadiin sida uu hadalka u dhigay.

Caruus oo saak la hadlay Warbaahinta Muqdisho qaarkood ayaa sheegay in Jihaadku uusan ahayn wax waqti kooban socda "Dagaalada waan sii xoojin doonaa inta aan dalka ka saarayno cadawga shisheeye iyo kuwa somalida ah"ayuu yiri Caruus.

Xoogaga Xisbul Islaam ayaa maalmihii lasoo dhaafay lasoo baxay afkaar adag waxaana jirta in ay fashilmeen isku dayo ladoonayay in lagu dhax dhaxaadiyo Xisbul Islaam iyo dowladda KMG ah ee Somalia

Mudugnet.com xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho