Markab
Dhuxul siday oo ku gubtay
Dekadda weyn ee magaalada
Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.
Markab Xamuul ah ayaa maanta ku
gubtay Dekadda weyn ee magaalada
muqdisho kadib markii sida la
sheegay uu dab qabsaday Jawaano
dhuxu ka buuxda oo uu waday.
Goob joogayaal ayaa sheegay in
Markab dhuxu siday uu sidaran
ugu gubtay Dekadda waxaana kasoo
baxaya Warar kala gedisan ee
gubashadiisa ku saabsan.
Markabka ayaa lasheegay in
isagoo gubanaya uu ku soo xirtay
dekadda, iyadoona markabka uu
sido dhuxul fara badan oo
lasheegay inuu ka qaaday dekado
macmal ah oo ku yaala gudaha
dalka Somalia.
Wararka ayaa sheegaya in
markabka laga soo celiyey dekad
ku taala dalka Cumaan kadib
markii dowladda Cumaan ay diiday
in markabka uu dalkeeda ku soo
xirto.
Dadaalo loogu gurmanayo markabka
ayaa kasocda dekadda weyn ee
magaalada Muqdisho kuwaas oo ay
wadaan dowladda KMG ah,
ciidamada AMISOM iyo xoogsatada
ku sugan dekadda weyn ee
magaalada Muqdisho.