Haween
Reer Muqdisho ah oo ku Goodiyay
in ay wadooyinka ku jiidayaal
Ciidanka Jabuuti haday Muqdisho
Cagta soo dhigaan
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.
Shacabka magaalada Muqdisho ayaa
si daran ugasoo horjeestay
Yaboohii kasoo yeeray dowladda
Jabuuti ahaa in ay 450 Askari
usoo diri doonto magaalada
Muqdisho si ay AMISOM ula
saftaan.
Haweenka magaalada Muqdisho ayaa
digniin culus u diray Dowladda
Jabuuti ee deriska la ah
Somalia.
Reer Muqdisho oo Warbaahinta
kala hadlay Xukuumadda Ismaaciil
Cumar Geelle ayaa sheegay in ay
u diyaar garoobeen in Maydadka
wiilasha Jabuuti ku jiidaan
wadooyinka magaalada Muqdisho
hadii ay cagta soo dhigaan
ciidda Somalia.
Haweenka Muqdisho oo kulan
yeeshay ayaa shaaciyay in ay ka
xunyihiin in dad Somali ah ay
qayb ka noqdaan duulaanka
lagusoo qaaday Somalida waloow
Jabuuti ay walaal la tahay
shacabka.
"waxaan ugu baaqaynaa in Jabuuti
aysan Muqdisho usoo dirin wiilal
Somali ah oo cadaw nagu ah,
majeclaysan in Maydadka wiilasha
Jabuuti lagu jiido Baar Ubax iyo
Black Sea laakin waa ku
jiidaynaa hadii ay Xamar cagta
soo dhigaan"ayay tiri mid kamida
Haweenka Muqdisho.
Reer Muqdisho ayaa lagu yaqaan
in ay wadooyinka ku jiidaan
quwada shisheeye Dibadda ugasoo
duula, waxayna horay wadooyinka
ugu jiideen Ciidankii Itoobiyaan,
Pakistan, Ugaandhays, Nigeria
iyo Maraykan dhamaantoodna waxay
Somalia ka bexeen iyagoo jabay
laakin weli xal lagama helin
Somalia.
Mudugnet.com xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho
Hadal yar aan
iraahdo Haweenkaan waalaalaheyga
ah : Waa ina Awbaahaloow oo idin
leh yaan been la idiin sheegin
Ciidanka Jabuuti Duulaan
idinkuma aha waxay idin ka
celinayaan Khawaarijta
Argagixisada ah ee Ilaah iyo
Rasuul aan rumeysneyn iyo
Cawaanta Soomalida ah ee ay ku
adeegsadaan,
Hadii aad
tihiin Dumar u sixran
Khawaarijtana oo ay xaaraan ku
qabaan allaha idin soo hanuuniyo
Sixir fur baad u baahan tihiin,
sun ha la idiin qasee