Ciidamada
AMISOM oo dhibaato Culus ka
gaystay degmooyinka Magaalada
Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.
Dhibaato aad udaran ayaa ka
dhalatay Madaafiic ay shalay
Ciidanka AMISOM ku garaaceen
xaafado katirsan magaalada
Muqdisho oo ay ku noolyihiin
shacab rayid ah oo aan ku lug
lahayn dagaalada Muqdisho ka
socda.
Shacab badan ayaa ku Geeriyooday
duqaymo ay Ciidamada cadawga ah
ka gaysteen xaafado katirsan
magaalada Muqdisho.
Inta la ogyahay 15 qof ayaa ku
shahaada qaadatay duqaymo
muqdisho ka dhacay 30 kalane
dhaawacyo ayaa kasoo gaadhay.
Duqaymo ay Ciidamada AMISOM ka
gaysteen Hodon iyo degmooyin
kale ayaa musiibo dhalisay
waxaabna jira dad badan oo ku
waxyeeloobay duqamahaasi kadib
markii weeraro lagu xanuujiyay
ooy islaamiyiinta lagaleen taas
bedelkeedna shacabka ayay ka
aarsadeen