Booliska
Kenya oo Raafid hor leh ku
bilaabay Somalida ku dhaqan
Magaalada Mombaasa dalka Kenya
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 30ka Janaayo, 2010.
Ciidamada dalka Kenya ayaa
magaalada Mombaasa ee dalka
Kenya waxa ay ku soo qabqabteen
dad ka badan 50-ruux oo Soomaali
ah oo intooda badan aan heysan
documentiga sharci ah ee lagu
joogo wadanka kenya sida ay
xaqiijiyeen joob goobjoogayaal
ku sugan magaalada xeebta ah
Mambaasa ee dalka Kenya.
Goobihii xalay howlgalkaasi laga
sameeyay ayaa waxaa kamid ahaa
qaar katirsan hooteelada ku
yaala magaalo xeebeedka
magaalada Mombaasa ee dalka
Kenya.
Hoteeladaasi xalay baaritaanka
lagu sameeyay waxaa kamid ah
hoteelka Al Nasri iyo kuwa kale
wallow dadka aan sharciga haysan
oo kaliya la qabanayay iyadoona
dadka sharciga haysta marka
hoteeladaasi la galo la sii
deynayay.
Taliyaha Saldhiga Booliska ee
magaalada Mombaasa ayaa
Ciidamadii sameenayay
howlgalkaasi horkacayay isagoo
ku amray dadka hoteeladaasi leh
in ay baarayaan waxaana uu
sheegay in ay doonayaan oo
kaliya dadka aan laheyn sharciga.
Sidoo kale dadkii ku xirnaa
xabsiyada magaalada Nairbobi ee
dalka Kenya ayaa shalay waxaa
xabsiga ku booqdayu saraakiil ka
soctay hay’ada Xaqootiga
Caalmiga ee Qaramada Midobay
UNHCR kuwaasi oo ka dhaadhiciyay
dadka ku jira xabsiyadda in loo
gudbiyo xerooyinka qaxootiga ah
ee ku yaala Dalka Kenya.
Tan iyo markii rabshadaha ay ka
dhaceen wadanka kenya waxa ay
ciidamada dowlada Kenya
kordhiyeen howlgaladda ay kuu
soo qabqabanayaan dadla
soomaalida ee ku nool
magaalooyinka dalkan oo ay ugu
horeyso nairobi.
Dadkii la xiray waxaa ka mid
ahaa Xildhibaano ka tirsan
dowlada soomaaliya oo si sharci
ah ku jooga wadanka iyo dad kale
oo isugu jira kuwa sharci leh
iyo kuwa aan sharci haysan,taasi
oo ka dhalatay caro iyo qoylo
dhaan xoog leh oo ay sameeyeen
ganacsatadda soomaalida Kenya
iyo mas'uuliyiin soomaali ah oo
ku jira maamulka Dowlada Kenya