Koox Hubaysan ayaa magaalada
Muqdisho ku dilay sarkaal sare
oo u shaqaynayay wasaaradaha
Dowladda KMG ah ee aan sida
Firfircoon uga shaqayn dalka
Somalia.
waxaa laxaqiijiyay in ladilay
Nin u shaqaynayay wasaaradda
Xanaanada Xoolaha Dhirta iyo
Daaq dowlada KMG ah xilli
amaanka Muqdisho sii xumaaday.
Wasiirka wasaaradda Xanaanada
Xoolaha dowladda KMG ah Abuukar
Cabdi Cismaan Bardaadi oo la
hadlayey warbaahinta ayaa
sheegay inay sameynayaan
baaritaano la xiriira dil shalay
magaalada Muqdisho loogu geystay
Xisaabiyihii guud ee wasaaradda
Xanaanada Xoolaha.
Wasiirka ayaa sheegay inaan si
rasmi ah loo hubin cidda ka
dambeysa dilka sargaalka, waxana
uu sheegay in wasaaradiisu
dadaal fara badan ku bixinayso
sidii loo xaqiijin lahaa cidda
ka dambeysa dilka sargaalka.
Dowladdu waxay sheegtay in ay
Baaritaanno waddo laakin waxaa
la sheegay in ay baxsadeen
Kooxihii Dilka wuxuushnimada ah
gaystay mana jirto cid
aqoonsatay kooxahaasi.