Dhaqanka Hawiye oo Guddi Nabadeed u diraya Magaalada B/weyen gobalka Hiiraan.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 28ka Janaayo, 2010.


Odayaasha dhaqanka Beelaha Hawiye ayaa sheegay in ay dadaallo Nabadeed ka dhaxsamayanayaan dhinacyada ku dagaalamaya Gobalka Hiiraan gaar ahaan Bariga gobalkaasi

Afhayeenka golaha dhaqanka beelaha Hawiye Nabadoon Garaad Fiidow gaabow ayaa sheegey in Guddi odayaal ah inay dhawaan ka ambabixidoonaan magaalada Muqdisho ee caasimadda soomaaliya iyaga oo ku wajahan magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan si ay ugu hortagaan dagaalo markale ka dhaca gobolka Hiiraan.

Shir jaraa’id oo maanta magaalada Muqdisho uu ku qabtey Nabadoon Garaad fiidow wuxuu ku sheegey in Guddigaas odayaasha ah marka ay tagaan magaalada Baladweye ay kulamo la qaadan doonaan odayaasha,waxgaradka,iyo Aqoonayahanada gobolka Hiiraan kuwaasi oo loo gol leeyahey sidii lagu dhameyn lahaa xasaradaha ka taagan gobolka.

Odayaasha dhaqanka Hawiye waxay sheegeen inaysan u adkaysan karin sii socoshada dagaalada Gobalka Hiiraan oo ay dad badan ku dhimanayaan "waxaan isku dayaynaa in Itoobiya aysan beelaha dega Hiiraan isku dirin iyadoo ka faa'iidaysanaysa colaadaha Bariga B/weyne ka jira"ayuu yiri Garaad Fiidow Gaabow.

Oday dhaqameedyada ayaa intaas ku daray in aysan raali ka ahayn in Beesha xawaadle ay kaligeed dagaa lagasho kooxaha Islaamiyiinta Somalia

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho