Dagaallo Khasaara dhaliyay oo maanta Muqdisho ku dhaxmaray AMISOM iyo Xoogaga Islaamiyiinta ah.


MudugNet, Muqdisho, Khamiis, 28ka Janaayo, 2010.
 

Dagaal xooggan oo u dhexeeyey ciidamada dowladda KMG ah oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo xoogagga hubaysan ayaa maanta kadhacay qeybo kamid ah xaafadaha degmada Hodan ee magaalada Muqdisho.

Dagaalka oo ahaa mid xooggan ayaa kadhacay goobo uu kamid ahaa isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka nuucyadiisa kala duwan.

Inta la og yahy 3-qog ayaa ku geeriyootay dagaalka, iyadoona ay ku dhaawacmeen inka badan 7-qof kuwaas oo dhamaantood ahaa dad rayid ah oo aan dagaalka ku lug laheyn.

Labo kamid ah dadka ku geeriyooday dagaalka ayaa lasheegay in gaari BL ah oo ay saarnaayeen ay rasaas kula dhacday isgoyska Dabka ee magalada Muqdisho.

Dhaawacyada dadkii ku waxyeeloobay dagaalka ayaa waxaa qaaday gaadiidka gurmadka deg-degga ah oo ay iska kaashadeen shirkadda Nationlink iyo Live Land Afrika, waxaana la geeyey isbitaalada magaalada Muqdisho.

Ma jiro war kasoo baxay dhinacyada maanta ku dagaalamay degmada Hodan ee magaalada Muqdisho oo ay uga hadlayaan khasaaraha dhabta ah ee kala gaaray iyo haddii ay jiraan guulo ay kala gaareen.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho