Boqolaal
katirsan Ciidamada Itoobiya ayaa
qaab Gurmad ah kusoo galay
dhulka Somalia gaar ahaan
Gobalka Hiiraan oo ay ka socdaan
dagaallo, Cudubto Itoobiyaan ah
ayaa lagu arkay Kalabeyrka oo
aan B/weyne ka fogayn
Wararka laga helayo gobolka
Hiiraan ayaa sheegaya in ciidamo
Tigree ah oo wata gaadiidka
dagaalka ay maanta fariisin ka
dhigteen halkaas, waxaana
wararku sheegayaa inay isku
balaariyeen deegaanada ku dhow
isgoyska Kalabeyrka.
Ciidamadan Tigreega ah ayaa
wararku sheegayaa inay isku
dhiririyeen dhulka buuralayda ah
ee ku teetsan deegaanka
Kalabeyrka, waxaana ay sidoo
kale baaritaano ku bilaabeen
gaadiidka safarka ah ee
isticmaalka halkaas.
Qoysaska ku dhaqan deegaanka
Kalabeyrka iyo deegaanada ku
teetsan ayaa bilaabay inay
guryohooda ka barakacaan cabsi
ay ka qabaan waxyeelo kasoo
gaarta ciidamada Ethiopia ee
maanta dib ugu soo laabtay
deegaanka Kalabeyrka ee gobolka
Hiiraan.
Qul qulka Ciidanka Tikreega ayaa
yimid kadib markii Dagaallo
dhawaan ka dhacay magaalada B/weyne
loogu Jebshay Maleeshiyaadkii
Dabageed ee Itoobiya kusoo
tababartay deegaanka Feer Feer
dhulka Somaligalbeed ee Itoobiya
gumaysiga ku hayso,waxaana laga
cabsi qabaa in Itoobiyaanku ay
qayb ka noqdaan dagaalada
Hiiraan ka socda.