Nabad Sugidda Kenya oo dhibaata xun u gaysanaya somalidii dhawaan laga qabtay magaalada Nairobi


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 27ka Janaayo, 2010.


Ciidamada Dowladda Kenya ee dhawaan Dadka badan ka xiray magaalada Nairobi dalka Kenya ayaa weli wado dhibaato baaxad leh oo ay ugaysanayaan dhalinyarada Somalida ee xabsiyada ku jira

Dowlada Kenya ayaa ciqaab iyo saxariir marsiinaysa Dad Somali ah oo ay dhawaan ka raaftay xaafado katirsan magaalada Nairobi.

Xafiisyada magaalada Nairobi waxaa ku tacdaraysan Dadkii ay Booliska Kenya ka qabteen xaafadda Islii magaalada Nairobi.

Maxaabiista Somalida oo qaarkood si qarsoodi ah ay ku waraysatay Saxafiyadda Nicmo Xasan cabdi ayaa muujiyay dhibaato iyo saxariir ay ku hayaan Booliska Kenya.

Mid kamida Maxaabiistaas ayaa sheegay in la Jirdilo islamarkaana laga qaaday Kumanaan lacag Laaluush ah laga qaaday.

Kenya ayaa shacabka Somalida ku dhibaataynaysa magaca Xarakada Mujaahidiinta Shabaab, Sheekh Abaa Mansuur iyo Sheekh Cali dheere ayaa horay shacabka uga digay dhibaatada Kenya.
 
Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho