Ururka Dib Uxoraynta garabkiisii
Asmara ayaa shaaciyay in ay sare
u qaadayaan dagaalada ka dhanka
ah Ajnabiga AMISOM iyo dowlada
KMG ah.
General Jaamac Maxamed Qaalib oo
ahaa Gudoomiye K/xigeenka Asmara
ayaa sheegay in ay dhaqaale
badan ku bixinayaan dagaalada ka
dhanka ah AMISOM,DKMG,Itoobiya
iyo Maleeshiyaadka taageersan
dowlada KMG ah.
General Qaalib ayaa si cad u
sheegay in ay fangaraynayaan cid
walba oo dagaal kula jirta
AMISOM iyo Itoobiya "anaga
xarakaadka oo dhan waan
taageersanahay waa Mujaahidiin,
gaar ahaan Xisbul Islaam baa
nataabacsan oo gudoomiye Aweys
ayaa gudihii dagaal ka wado"ayuu
yiri Qaalib.
Isbahaysiga Dib Uxoraynta
Garabka Asmara ayaa weli ku
maqan dalka dibadiisa ku maqan
halka kuwa kale ay gudaha dalka
dagaallo ka wadaan waxaana jira
in Isbahaysiga Garabkisii
Jabuuti ay madax u noqdeen
dowladii uu madaxda ka ahaa C/laahi
Yuusuf.