Kadib dagaaladii shalay ka
dhacay magaalada B/weyne Gobalka
Hiiraan ayaa weli magaalada laga
dareemayaa Raadadki ay dagaaladu
ku reebeen magaaladaasi.
Xaalad deganaan ah ayaa laga
dareemayaa magaalada B/weyne
xarunta gobalka Hiiraan oo ay
shalay dagaallo ku dhaxmareen
xoogaga Islaamiyiinta ah iyo
Maleeshiyaad hubaysan.
Wararka nagasoo gaaraya B/weyne
ayaa xaqiijinaya in xaaladu
tahay mid degan islamarkaana ay
Shabaab iyo Xisbul Islaam ay ku
suganyihiin magaalada kadib
dagaalkii shalay.
Maleeshiyaadka Dabageed iyo kuwa
Dowlada KMG ah ayaa ku sugan
Ceelgaal halka Islaamiyiinta ay
ku sugnayihiin wadada isku xirta
B/weyne iyo Ceelgaal halkaasna
laysku hor fadhiyo.