Dagaallo Khasaara Nafeed dhaliyay oo Maanta ka dhacay deegaanka Warxoolla Gobalka Galgaduud


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 27ka Janaayo, 2010.


Warar Faah Faahsan ayaa kasoo baxaya dagaallo qaraar oo maanta ka dhacay Tuulada Warxoolo Gobalka Galgaduud bartamaha Somalia.
Dagaalkaasi ayaa u dhexeeyay Al Shabaab iyo Ahlusuna oo isku haya gacan ku haynta gobalka Galgaduud.

Wararka nagasoo gaaraya Galgaduud ayaa xaqiijinaya in labada dhinac ay si daran ugu dagaalameen Warxoolo islamarkaana ay iska dileen Dad aad u faradan.

Ciidanka Al Shabaab ayaa la sheegay in Ahlusuna ay kasoo weerartay 4-Jiho balse dagaal 4-saacadood socday ay dib ulaabteen Ahlusuna.

Labada dhinac oo Idaacadaha lahadlay ayaa sheegay in ay guulo kala gaareen laakin Dad xoola dhaqata ah oo Warxoolo ku sugan ayaa Warbaahinta u sheegay in Kooxda Shabaab ay difaacatay Gacan ku haynta Tuulada Warxoolo.

Shabaab iyo Ahlusuna ayaa isku haya gacan ku haynta Gobalka Galgaduud oo ah gobal xad la leh Itoobiya.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho