


In kabadan 20 qof oo ku
geeriyootay Madaafiic ay AMISOM
ku garaacday Waqooyiga magaalada
Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.
Khasaara aad u xoogan ayaa
shacabka Rayidka ah kasoo gaaray
madaafiic arxan darra ah oo ay
ciidamada AMISOM galabta ka
gaysteen xaafado katirsan
degmooyinka dhaca Waqooyiga
magaalada Muqdisho.
Madaafiicda oo si daran doori ah
ugu dhacaysay xaafadaha
Juungal,Suuq Bacaad,Arjantii iyo
yaaqshiid ayaa cel celis ahaan
sababtay geerida 20 qof oo rayid
ah waxaana jira dhaawacyo badan
oo dad rayid ah soo gaaray.
Khasaaraha ugu daran wuxuu ka
dhashay xaafadda Juungal degmada
Yaaqshiid oo ay ku dhinteen in
kabadan 14 qof kadib markii
madfac ay AMISOM soo tuurtay uu
haleelay dad ku ganacsanayay
suuqa xaafada Juungal.
duqaymahan ay ku
dhinteen dadka Rayidka ah ayaa
ka dhacay xaafado aad uga fog
degmooyinkii ay ku dagaalamayeen
ciidamada AMISOM iyo xoogaga
islaamiyiinta ah waxayna dadku
isweydiinayaan sababaha Shacabka
loo xasuuqayo.