Dagaallo ay qayb ka ahaayeen Taangiyada Ciidamada AMISOM oo galabta ka dhacay degmada C/casiis magaalada Muqdisho iyo Alshabaab oo si xun loogu xasuuqay dagaaladaas.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 10ka Maarso, 2010.
 

Dagaallo aad u xoogan oo u dhexeeyay Ciidamada Dowlada KMG ah oo kaashanaya kuwa AMISOM iyo xoogaga islamaiyiinta ayaa galabta dib uga qarxay xaafado katirsan degmooyinka Shibis iyo C/casiis magaalada Muqdisho.

Dagaalkii galabta oo ay qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda waxaa ka qayb qaadanayay raangiyada Ciidamada AMISOM oo doonayay in ay ciidanka dowladda dib ugu qabtaan fariisimo ay saaka kala wareegeen xoogaga islaamiyiinta.

Goob joogayaal ayaa sheegay in ciidanka AMISOM ee dagaalka ka qayb galay aysan waxba soo kordhin islamarkaana ay dib ugusoo laabteen Villa Somalia waxaana weli agagaarka Xeradii gaadiidka Booliska isku horfadhiya Islaamiyiinta iyo ciidanka dowladda.

madaafiicda ka dhacaysay taangiyada AMISOM waxay khasaara culus ka gaysteen xaafado katirsan degmada Kaaraan oo ay dad rayid ah ku dileen.

Faallo:
Waxaan aad ugu Faraxsannahay in Dagaalkaan lagu laayay Argagixiso Badan iyadoo lagu laayay ajaanib uu ka mid Khawaarij u dhashay Algeria, Waa mahad Ilaah hadii la cirib tiray Aragagixisada ay ku adeegtaan Khawaarijta.

Abtidoon Bee.