


Sarkaal
Sare oo katirsan Ururka Xisbul
Islaam oo maanta Muqdisho lagu
dilay.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.
Kooxo Hubaysan
ayaa magaalada Muqdisho ku
khaarijiyay sarkaal sare oo
katirsanaa Ururka Xisbul Islaam
oo kamid ah dhinacyada la
dagaashan dowlada Federaalka KMG
Somalia iyo Ciidamada AMISOM
Faah faahin dheeri ah ayaa ka
soo baxeysa qaabka loo dilay
Barre Cali Barre oo ah sarkaal
ka tirsanaa Ururka Xizbul Islaam,
isla markaana lagu dilay
Agagaarka Sarif yaraha Suuqa
Bakaaraha mudo yar ka hor.
Ilo goob joog u ahaa qaabkii uu
u dhacay weerarkii lagu dilay
Sarkaalkan ayaa Xogsheeg uga
waramay, waxaana ay sheegeen in
Barre ka hor intaanan la dilin
aaney la socon wax ilaalo ah.
"Kaligiis ayuu ahaa Barre Cali,
waxaana mar qura bastoolado ku
soo weeraray rag hubeysan, waxa
uuna isku dayay in uu iska
difaaco, hase ahaate bastooladii
uu sitay ayaa ka leeb dhacday,
laakiin waxa uu riday dhowr
xabadood, markii dambana waxa uu
u geeriyooday xabado ay ku
dhufteen ragii kale ee soo
weeraray" ayuu yiri goob
joogahan oo ka gaabsaday
magaciisa in uu shaaciyo.
Waxa uu intaa ku daray in marka
ay hubsadeen kooxaha soo
weeraray Sarkaalka in uu dhintay
ay isaga carareen,waxaa soo
gaaray durbadiiba daqiiqado
kadib ciidamada Xizbigii uu ka
tirsanaa Sarkaalka ee Xizbul
Islaam.
5-tii bishii Febraayo ayay Sidan
oo kale soo weerareen kooxo
hubeysan Barre intii uu noolaa,
xilli habeen ah oo uu ku sii
jeeday gurigiisa, iyadoo
weerarkaasi uu ka bad baaday.
Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa
maalmihii lasoo dhaafay kala
shakisanaa waxaana jiray eedaymo
ay hawada isku marinayeen oo
midba midka kale ku eedaynayay
in uu dilal iyo qaraxyo la
maaganyahay dhinaca kale.