Ciidamada dowladda oo ku goodiyay in ay ku biirayaan Mucaaradka hadii aan si deg deg ah Mushaar ku filan loo siinin


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.


Ciidamadan oo ka tirsan milatariga dowlada KMG ah gaar ahaan kuwo dhawaan tababaro ku soo qaaday wadamo afrikaan ah ayaa sheegay in ay dhibaato xoogan ku qabaan xaruntoda Villa baydhabo islamarkaana aysan haysan wax daryeel ah.

Waxa ay sheegeen in ay halkaas ku haysato daryeel xumo iyo dhaqaalo la’aan xogan waxa ayna ku cel celiyeen in ay dowlada KMG ah ka codsanayaan in ay xaaladooda wax ka qabato sida ay sheegeen.
Ciidanka ayaa sheegay in aysan gadood ahayn balse ay ku kaliftay in ay saxaafada la hadlaan dhibaatada heysata waxa ayna intaa ku dareen in ay masuuliyinta dowlada KMG ah ay marar badan u bandhigeen dhibaatada ay qabaan.

Qaar ka mid ah Ciidamadaan oo saxaafada la hadlay ayaa sheegay in sida ugu deg degta badan ay ugu codsanayaan dowlada KMG ah hadii aysan dhicina ay go aan qaadan doonaan.

Ugu danbeyntii waxa ay sheegeen in ay ay suura gal noqonkarto in ay u galaan xoogaga ka soo horjeeda Dowlada KMG ah hadii aan wax laga qaban baahidodaku aadan dhinaca Mushaaraadka.