


Yuusuf Indha Cadde oo sheegay in
uu ka xunyahay duqaymaha ay
Ciidanka AMISOM ugaystaan
shacabka magaalada Muqdisho.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Maarso, 2010.
Wasiiru dowlaha Gaashaandhigga
dowladda KMG ah Yuusuf Maxamed
Siyaad Indhacadde oo la hadlay
warbaahinta ayaa sheegay inay ka
xun yihiin madaafiicda ku
dhacaya deegaanada ay ku badan
yihiin dadka rayidka ah.
Yuusuf Indhacadde ayaa sheegay
in dowladda KMG ah aanay
qorshaha ugu jirin inay
bartilmaameedsato deegaanada ay
ku badan yihiin dadka rayidka
ah, waxaana uu sheegay in
kooxaha dowladda kahorjeeda ay
marka hore madaafiic ku tuuraan
xarumaha ciidamada AMISOM.
"Dowladdu wax lug ah kuma lahan
madaafiicda inta badan lagu
duqeeyo deegaanada ay rayidku ku
badan yihiin" ayuu yiri Yuusuf
Indhacadde oo mas'uuliyadda
dusha ka saaray xoogagga
hubaysan ee kahorjeeda dowladda
KMG ah.
Wuxuu dhinaca kale Yuusuf
Indhacadde beeniyey hadal shalay
kasoo yeeray afhayeenka ururka
Al-shabaab oo ahaa in beelaha
Soomaaliyeed ay hubkoodii ku
wareejiyeen ururka Al-shabaab
islamarkaana ay diyaar u yihiin
inay kala qeyb qaataan dagaalka
ay uga horjeedaan dowladda KMG
ah.
"Ma jiro beelo hubkooda ku
wareejiyey Al-shabaab ee qaar
kamid ah beelaha ayaa si xoog
looga qaatay hubkooda" ayuu yiri
Yuusuf Indhacadde oo intaas ku
daray in dhawaan dowladda KMG ah
ay dhawaan maamulkeeda ku baahin
doonto gobolada konfureed ee
dalka Somalia.