


Maalinta
Haweenka oo siweyn looga xusay
qaybo katirsan magaalada
Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
Munaasabad si weyn loo soo qaban
qaabiyey ayaa kadhacday xarunta
madaxtooyada ee Vill Somalia,
iyadoona munaasabadda ay ka qeyb
galeen mas'uuliyiin katirsan
dowladda Federaalka KMG ah ee
Somalia.
Munaasabadda oo intii ay socotay
badankeed looga hadlay
marxaladda ay ku sugan yihiin
haweenka Soomaaliyeed ayaa lagu
soo bandhigay heeso iyo
riwaayado ka turjumaya
marxaladda ay ku nool yihiin
haweenka Soomaaliyeed.
C/raxmaan Xaaji Aadan Ibbi oo ah
wasiirka Kaluumaysiga iyo
Kheyraadka badda ahna R/wasaare
ku xigeenka koowaad oo ka hadlay
munaasabadda ayaa sheegay in
dowladda KMG ah ay tix galin
weyn siinayso haweenka.
"Dowladda KMG ah tix galin gaar
ah ayey siinaysaa haweenka
Soomaaliyeed, iyadoo og daruufta
ay ku nool yihiin" ayuu yiri C/raxmaan
Ibbi wasiirka Kaluumaysiga iyo
Kheyraadka badda dowladda KMG
ah.
Guddoomiyaha Maamulka gobolka
Banaadir Eng Nuune oo ka hadlay
goobta ayaa isna sheegay in
maamulkiisa uu il gaar ah ku
eegayo xaaladda ay ku nool
yihiin haweenka Soomaaliyeed,
isagoona sheegay inay shaqooyin
u furi doonaan qaar kamid ah
haweenka Soomaaliyeed.