


Madaxweyne
Shariif oo kulan laqaatay R/wasaaraga
dalka Ingiriiska
MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
Madaxweyne Shariif ayaa
magaalada London kulan kula
yeeshay R/wasaaraha dalka
Ingiriiska iyo saraakiil kale oo
maalmihii lasoo dhaafay siweyn
udanaynayay in uu kulan laqaato
hogaamiyahan qunyar socodka ah
ee horay uga mid ahaan jiray
Islaamiyiinta.
Wafdiga madaxweynaha ayaa waxaa
kamid ah Wasiirka Maaliyadda
ahna R/wasaare ku xigeen Shariif
Xasan Shiikh Aadan, Wasiirka
arrimaha dibadda Cali Jaamac
Jangali iyo Wasiirka Tacliinta
sare Maxamed C/laahi Oomaar.
C/raxmaan Ibbi wasiirka
Kaluumaysiga iyo Kheyraadka
badda ahna R/wasaare ku xigeenka
1-aad ayaa faah-faahin ka
bixiyey safarka madaxweynaha
dowladda KMG ah iyo wafdigiisa
ugu ambabexeen magaalada London
ee dalka Ingiriiska.
"Arrimaha labada dal ayey ka
wada hadli doonaan, waxaana
madaxweynaha iyo wafdigiisa ay
dalka Ingiriiska ku sugnaan
doonaan muddo seddax maalin ah"
ayuu yiri C/raxmaan Xaaji Aadan
Ibbi.
kulanka oo galabta dhacay ayaan
la ogayn waxa laga wadahadlay
hadane waxaa jira warar sheegaya
in madaxweynuguu uu taageero
caalami ah warsaday Ingiriiska
gaar ahaan ladagaanka kooxaha
Islaamiyiinta oo caqabad ku ah
dowladiisa.