Afhayeenka Al Shabaab oo sheegay in cunaqabatayn Ururkiisa lasaaro aysan wax saamayn ay ku yeelan doonin


MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.


Afhayeenka ururka Al-shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage Cali Dheere oo maanta shir jaraa'id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ururkooda uu diyaar u yahay inuu iska difaaco weerar kasta oo uga yimaada dowladda KMG ah oo garabsanaysa Mareykanka, waxaana uu sheegay in ururkooda aanay waxba u dhimi doonin hanjabaadda Mareykanka.

"1993-dii raggii laayey ciidamadii Mareykanka ee wadooyinka ku jiiday oo maanta caqiidadoodu ay sii adkaatay ayaa jooga, wayna iska difaaci doonaan" ayuu yiri Shiikh Cali Dheere oo intaas ku daray in Dowladda Mareykanka ay ku fashilmi doonto haddii ay weerar ku soo qaado dalka Somalia.

Afhayeenka Al-shabaab ayaa dhinaca kale ka hadlay hadal kasoo yeeray madaxweynaha dowladda KMG ah oo ahaa inay wada hadal ugu baaqayaan xoogagga hubaysan ee kahorjeeda dowladiisa, waxaana uu sheegay inaysan diyaar u aheyn inay wada hadal la galaan dowladda KMG ah.

"Kooxda uu hogaamiyo Shariif marna wada hadal lama galaynayo, wada hadalna in lala galana ma banaana maamul Rido ah, haddii ninkaasi uu kasoo baxo maamulka Ridada waan la hadlaynaa oo waan la heshiinaynaa" ayuu yiri Shiikh Cali Dheere afhayeenka Al-shabaab.