Shil gaari oo khasaara dhaliyay oo ka dhacay degmada Maxaas Gobalka Hiiraan


MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.


Inta la xaqiijiyey 3-qof ayaa ku geeriyootay 4-kalena dhaawacyo ayaa soo gaaray kadib markii gaari ay saarnaayeen uu kula rogmaday meel ku dhow tuulada Goobweyn ee gobolka Hiiraan oo qiyaastii 10-KM u jirta degmada Maxaas.

Shilka gaari ayaa lasheegay inuu dhacay kadib markii gaariga rogmaday ay u bexeen labo kamid ah lugihii uu ku socday, iyadoona markaa kadib uu wadada ka baxay deetana uu rogmaday.

Dadkii ku dhaawacmay shilka gaari ayaa la geeyey isbitaalka magaalada Baledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan halkaas oo lagula tacaalayo dhaawacyadooda, waxaana laga dayrinayaa qaar kamid ah dadka ku dhaawacmay shilka gaari.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho