


Beesha
Geedaalle Mirifle oo Hub
farabadan ku wareejisay Kooxda
Hubaysan ee Al Shabaab.
MudugNet, Muqdisho, Axad, 7da Maarso, 2010.
Beelaha
degan gobalada Bay iyo Bakool
ayaa bilaabay in ay Hubkooda ku
wareejiyaan Kooxda Al Shabaab
maadaama Beelahaasi ay Saraakiil
sar sare ku leeyihiin Al Shabaab
oo larumaysanyahay in ay xariir
wanaagsan laleedahay Urur
weynaha Al Qaacidda.
Munaasabad
ka dhacey degmada Qansax dheere
ayaa lagu soo bandhigey hubka ay
beeshaasi ku wareejisey
wilaayada islaamiga ah iyadoona
halkaasi ay ka hadleen
Mas’uuliyiin ka tiran wilaayada
iyo Odayaal kasoo jeeda beesha
deta qansax dheere.
Gudoomiyaha Maamulka Islaamiga
ah ee Baay iyo Bakool Sheekh
Mahdi C/kariim ayaa ugu horeyn
wuxuu mahad balaaran ujeediyey
beesha qansax dheere ee hubkeeda
ku wareejisey maamulka wuxuuna
ugu baaqey beelaha kale ee dega
gobolada baay iyo bakool inay
hubkooda kusoo wareejiyaan
Wilaayaadka islaamiga ah.
Beesha Geedalle oo kamid ah
beelaha dega degmada qansax
dheere oo ah beesha maanta
hubkeeda ku wareejisey wilaayada
islaamiga ah ayaa waxaa ka mid
ahaa hubkii maanta ay wareejisey
5-PKM ,hal Seben iyo Afar gaari
oo nooca Cabdi bilaha ah iyo
gaari haaf ah oo uu ku rakibnaa
qoriga B10-ka ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho