Ururka Xisbul islaam oo Kooxo Dadka dhaca kusoo qabtay deegaanka Ceelasha Biyaha duleedka Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Arbaco, 3da Maarso, 2010.


Ururka Xisbul islaam ayaa shaaca ka qaaday in ay gacanta kusoo dhigeen kooxo dhac kula kacayay dadka Barakacayaasha ah ee ku sugan duleedka magaalada Muqdisho, sidoo kale maamulka ayaa sheegay in ay qabteen alaaba dhacay oo ganacsi ahaan loo weday.

Madaxa amniga ee ururka Xizbul islaam ee deegaanada lagu barakacay Ibraahim Maxamed Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidamadoodu ay gacanta ku dhigeen seddax nin oo burcad ah xilli ay dhac u geysanayeen dad shacab ah.

Wuxuu sheegay in seddaxda nin lagu qabtay deegaanka Carbiska halkaas oo ay dhac ka geysanayeen, waxaana uu sheegay inay ku xireen sadhig ku yaala deegaanka Lafoole ee gobolka Sh/hoose.

Ibraahim Maxamed Aadan madaxa amniga ururka Xizbul Islaam ee deegaanada lagu barakacay ayaa sheegay in ragga burcadda ah ay ka qaadi doonaan talaabo adag islamarkaana ay la tiigsan doonaan sharciga Islaamka.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka magaalada Muqdisho

Faallo: Kooxahan Inkaaran ee arxan laawayaasha ah ee Alhabaab iyo Xisbul Aweys ayaa si ay kalsooni uga helaan Shacabka ay kadeedkaku hayeen Mudooyinkaan dambe ayaa waxay diraan Qaar ka mid ah mooryaantooda wax leysa kuna amraan iney wax soo dhacaan .

Markaa kadib ayaa ay soo qabtaan oo idaacadaha u sheegaan khidooyinkaan been abuurka ah Ilaah abaalkooda Jahanamo ha ka yeelo iyaga inta ku fikirka ah ee xasuuqa Shacabka ku haya.

Abtidoon Baahalow