


Dagaallo
Muqdisho ka dhacay iyo Ciidanka
dowladda oo daqiiqado kooban
haystay Isgoyska KPP degmada
Hodon magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da
Maarso, 2010.
Dagaallo aad ucuslaa ayaa maanta
magaalada Muqdisho ku dhaxmaray
xoogaga islaamiyiinta iyo kuwa
dowlada oo kaashanayay ciidamada
AMISOM ee Muqdisho ku sugan,
dagaalka kadib ayay ciidanka
Yugaandha madaafiic ku garaaceen
Suuqa Bakaaraha waxaana ka
dhashay khasaara culus.
Iska horimaadka ayaa lasheegay
inuu ka dambeeyey kadib markii
ciidamo katirsan dowladda KMG ah
ay dhaqdhaqaaqyo ciidan ka
sameeyeen isgoyska Tarabuunka ee
degmada Hodan, iyadoona markaa
kadib ay iska caabin kala
hortageen xoogagga hubaysan.
Goob joogayaal ayaa sheegay in
ciidamada dowladda KMG ah ay
doonayeen inay isku balaariyeen
deegaanada ku teetsan isgoyska
Tarabuunka ee degmada Hodan
balse ay usuura geli waysay
arrinkaas.
Ilo madax banaan ayaa sheegaya
in ciidamada dowladda KMG ah ay
markii hore la wareegeen gacan
ku heynta deegaano dhowr ah oo
ay xitaa qabsadeen isgoyska KPP
balse markii dambe dib loo
celiyey.
dagaalka ka dib waxaa jiray
madaafiic lagu garaacay qeybo
kamid ah xaafadaha degmooyinka
Hodan, Howlwadaag iyo
Wardhiiglay kuwaas oo khasaare u
geystay dad rayid ah, madfac
kusoo dhacay dhismaha shirkadda
ganacsiga Dahabshiil Bakaaaraha
ayaa sababay dhaawaca 6 ruux oo
kamid ahaa shaqaalaha shirkadda.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka
Magaalada Muqdisho