Maxaabiis ay gacanta ku hayso dowladda KMG ah oo Daacuun ugu dhintay Xabsiga dhexe ee Xamar.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da Maarso, 2010.


Maxaabiis Soomaaliyeed ayaa ku dhibaataysan Xabsiga dhexe ee Xamar magaalada Muqdisho kadib markii Cudurka daacuun caloolaha uu ka dilaacay gudaha Xabsiga oo ah meel nadaafad xumo iyo daryeel darro ka jirto.
Sarkaal katirsan ciidanka ilaalada Xabsiga ayaa xaqiijiyay in uu geeriyooday Maxbuus kamid ahaa Maxaabiistii ku xireed xabsiga kadib dhibaato dhan walba ah oo kataagan xabsiga oo ay dayacday dowladda KMG Soomaaliya.
Gen. C/laahi Macalin Cali taliyaha xabsiga dhexe Xamar ee dowladda KMG ah oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in cudurka shuban biyoodka ee ka dilaacay xabsiga dhexe ee Xamar uu kadhashay nadaafad darro kajirta xabsiga iyo xiliga Kuleylaha oo la guda galay.

Wuxuu sheegay inay durba qeylo dhaan u direen dowladda KMG ah, isagoona sheegay in dowladdu ay u soo dirtay dhaqaatiir kuwaas oo haatan ku howlan daweynta maxaabiista ku jira xabsiga dhexe ee Xamar.

"Xaaladda Maxaabiista ku jira xabsiga dhexe way iska liidataa inkasta oo hadda ay Dhaqaatiir noo yimaadeen" ayuu yiri Gen. C/laahi Macanlin Cali taliyaha xabsiga dhexe ee Xamar dowladda KMG ah ugu magacaaban.


Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho