


Dowladda
Ingiriiska oo Liiska
Argagaxisada ku dartay Dhaq
dhaqaaqa Hubaysan ee Al Shabaab.
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 2da
Maarso, 2010.
Xuukuumadda Ingiriiska ayaa
sheegtay in ay ciqaab adag
marsiin doonto ciddii lagu
helayo iyadoo dhaqaale u
aruurinaysa Xarakada Al Shabaab
ee Somalia ka dagaalanato ama ku
biirto oo xariir layeelato,
Ingiriiska waxay si cad u
sheegeen in Al Shabaab ay
geliyeen Liiska waxa loogu yeero
Argagaxisada caalamiga ah.
Dowladda Biritain ayaa shaaca ka
qaaday dalkeeda inaan lagu arki
Karin qof taageeri ka ama ka mid
ah Ururka Alshabaab, haddii ay
dhacdo in lagu helaa dad
taageeraya ururkaasina laga
qaadi doono talaabo adag.
Wasiirka
Arrimaha Guddaha Dowladda
Britain Alan Johnson ayaa
sheegay dalkooda inay ka
mamnuuceen Ururka Alshabaab una
aqoonsan yihiin xubin ka mid ah
Alqaacida, isagoona sheegay
shaqsigii lagu helaa isagoo
dhaqaale u aruurinaya ama buun
buuninaya talaabo adag ka qaadi
doonto dowladda Britain.
Sida la
rumaysan yahay Alshabaab oo
dhaqaalaha ugu badan ka helo
dalalka dibada ah gaar ahaan
dalka Ingiriiska ayaa go’aankan
ka dhanka ah waxa uu ku
noqonayaa mid dhar jab ku ah,
waxaana yaraanaya miisaaniyada
dhaqaale ururkaasi ka soo gaari
jiray dhanka dalka Britain oo ay
ku nool yihiin Soomaali ah oo
taageerta ururkaasi qaarkoodna
si hoose uga mid ah.
Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada
Muqdisho
Faallo:
Annaga MudugNet ayaa kaga
horeynay ku daridda Liiska
Argagixisada, waxaase Yaab ah in
Dowladda uu hogaamiyo Wadaadka
aan xil garadka aheyn ee Sheekh
Shariif iyo Xildhibaanada
saqaajaaminta ah aaney Alshabaab
u aqoonsaneyn Argagixiso, Ayaga
Ruuxooda Argagax Allaha galiyee!
ABTidoon B.
Quebec, Canada.