Xildhibaan
Cumar Islow oo kamid ah
mudanaaysha golaha barlamaanka
islamarkaana ka mid ah xubnaha
sida weyn u diidan
Gudoomiye-nimada barlamaanka ee
sheikh Aadan Maxamed Nuur
Madoobe ayaa qaba inuu dhamaadey
waqtiga gudoomiyaha islamarkaana
ay waajib tahey inuu xilka isaga
dago.
Xildhibaan
Islow ayaa hadakiisa intaa kusii
darey in la gaarey waqtigii
Mudayaasha barlamaanka ay dooran
lahaayeen gudoon cusub isagoona
carabka ku dhuftey in
Xildhibaanada golaha barlamaanka
ay hor taalo 15-casho oo ay ku
dooran karaan gudoon badala kan
hadda jira.
Sidaas oo
tahey waxaa jira Mudanaayl kale
oo iyana aaminsan inuu dhamaadey
waqtigii reysal wasaaraha
dowladda kmg ah uu xilkiisa ku
ekaa islamarkaana la doonayo in
madaxweynaha uu soo magacaabo
Reysal wasaare cusub waxaana
xildhibaanadaasi kamid ah Cali
jeyte Cismaan.