Gudoomiyaha Baarlamanka oo sheegay in fadhiga baarlamanka uu noqon doono Xaruntii hore ee Golaha shacbiga.


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
 

Gudoomiyaha Baarlamanka Dowlada Kmg Sheikh Aden Maxamed Nuur(Sheikh Madoobe) ayaa sheegay in golaha baarlamanka dhawaan ay la wareegi doono xaruntii hore ee golaha shacbiga oo fadhiyiada baarlamanka lagu qaban doono.

Sheikh Aden Madoobe ayaa sheegay in ay gagabo ku dhawdahay howlihii dayactirka Xarunta Golaha shacbiga isla markaana ay la wareegi doonaan Bisha soo socoto.

Gudoomiyaha baarlamanka mar uu ka hadlay xildhibaanadda ka maqan dalka iyo fadhiyada baarlamanka oo aan qabsoomin ayaa sheegay in hada uu dhan yahay Kooramkii baarlamanaka oo magaalada Muqdisho ay ku sugan yihiin tiro ka badan 300 oo xildhibaan, dhawaana uu furmi doono fadhiga baarlamanka.

Sheikh Aden Madoobay ayaa talaabo qalad oo sharci daro ah ku tilmaamay xariga xildhibaanada baarlamanka loogu geestay Kenya iyo Ethiopia ,isagoo sheegay in ay arintaasi kala hadleen madaxda wadamadaasi,islamarkaana la sii deeyn doono xildhibaanadda ku xirin xabsiga magaalada Jigjiga sida ugu dhaqsiyaha badan.

Gudoomiyaha baarlamanka ayaa ugu dambayntii ugu baaqay Xildhibaanada Dibadda ku maqan iney dalka ku soo laabtaan oo ay gutaan howlahooda.

Mudugnet-Nairobi.