Ganacsatadda Soomaalida Kenya iyo Xidhibaano Soomaali ah oo ku shiray magaalada Nairobi.


MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
 

Ganaacsatadda Soomaalida Xaafadda Eastleight ee magaalada Nairobi iyo xildhibaano soomaali ah oo ku jira baarlamanka wadanka Kenya ayaa maanta kulan ku yeeshay magaalada Nairobi,iyadoo kulankaasi looga hadlay sidii wax looga qaban lahaa dhibaatooyin ganacsatadda soomaalida uga imaanaaya Booliska iyo Dowladda Kenya.

Xildhibaan Maxamed Macalin oo ah mudane ka tirsan baarlamanka Kenya oo ka hadlay kulankii maanta ayaa sheegay in diirada lagu saaray kulankaasi dhibaatooyinka ay ka cabanayaan ganaacsatadda soomaalida iyo sidii is kaashi iyo wada shaqeyn ay u yeelan lahaayeen labada dhinac.

Xildhibaan Maxamed ayaa tilmaamay in ay xaq u leeyihiin dadka soomaalida ah iney ka ganaacsatadaan dalka sida dadka kale ee wadanka ku nool,balse loo baahan yahay in nidaamka sharciga wax kasta loo maro oo la joojiyo lacagaha laaluushka oo ay bixiyaan dadka soomaalida ah.

Xildhibaanka ayaa u sheegay ganacaasatadda soomaalida in ay soo qoraan cabashooyinkooda si ay gudbiyaan dowladda iyo hay’adaha amaanka isla markaana sida ugu dhaqsiyaha badan wax looga qaban doono.

Kulanka maanta dhex maray xildhibaanada iyo ganaacsatadda soomaalida ayaa ku soo beegmay xili ay sii kordhayaan cadaadiska iyo handadaada Booliska Kenya ay ku haayaan dadka soomaalida ah ee ku nool magaalada Nairobi tan iyo markii uu dhacay banaanbixii rabshadaha watay ee looga soo horjeeday go’aanka ay dowladda Kenya dalkeeda uga masaafurisay wadaad Muslim ah.
 

Mudugnet-Nairobi.