Wasiirka
Warfaafinta Dowladda KMG oo
sheegay ineysan jirin xiriir ka
dhaxeeya Xubno ka tirsan
dowladda iyo kooxaha mucaaradka
ee ka horjeeda Dowladda.
MudugNet, Muqdisho, Sabti, 27ka Feberaayo, 2010.
Wasiirka
warfaafinta Dowladda Kmg Daahir
Maxamuud Geelle ayaa waxba kama
jiraan ku tilmaamay wararka
sheegaya in qaar ka mid ah
wasiiro iyo xildhibaano ka
tirsan dowladda Kmg ay xiriir
iyo fikir siyaasi ah la
wadaagaan kooxaha hubaysan ee
mucaaradka ku ah dowlada sida
xarakadda Al-Shebab iyo ururka
Xisbul-Islaam.
Daaahir
Maxamuud Geelle oo socdaal shaqo
ku maraaya qaar ka mid ah
dalalka Yurub iyo waqooyiga
Ameerica ayaa sheegay xiriirka
dherx mari kara xubanaha
dowladda iyo kooxaha ka soo
horjeeda uu noqon karo wada
hadalo dhinaca nabadda ah,balse
aanu jirin xiriir kale oo ka
dhaxeeya Mucaaradka iyo xunaha
Dowladda.
Wasiirka
warfaafinta waxa kaloo uu
sheegay in la joogo xiligii
dowladda ay wax ka qaban lahayd
Kuwa ka soo horjeeda dowladda
iyo Diinta sida uu hadalka u
dhigay wasiirka oo wareysi
siiyay laanta Afka soomaaliga
Idaacadda VOA,isla markaana uu
wali socdo dhismaha ciidamada
kala duwan ee Dowladda kuwaasi
oo nabad iyo xasilooni dalka ku
soo dabaali doono.
Daahir
Maxamuud Geelle mar uu ka hadlay
awood yarida ciidamada Sirdoonka
dowladda oo ku guuldareestay
fashilinta qaraxyadda lala
beegsado madaxda Dowladda isla
markaana aysan qabanin ciidamada
howlihii looga baahnaa waxa uu
sheegay in ciidamada aysan wali
ka soo kabanin buruburkii ku
dhacay Qaranka,balse sida ugu
dhaqsiyaha badan ay u howlgali
doonaan,isagoo tilmaamay in
ciidamada ay fashiliyeen
qaraxayo badan ayna soo qabteen
dadkii ku howlanaa.
Hadalka
wasiirka warfaafinta Dowladda
ayaa ku soo beegmay xili dhawaan
mudane ka tirsanaa baarlamanka
is casilay baarlamanka isla
markaana iskuna dhiibay
Xarakadda Al-shebaab.