Ciidamo
katirsan Dowladda KMG Somalia oo
ku dagaalamay wadada Villa
Baydhabo magaalada Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, arbaco, 24ka Feberaayo, 2010.
Ciidamo ka
tirsan Dowladda KMG Somalia ayaa
markale qalabka isku qaatay
kadib markii qaar katirsan
Ciidanka dowladu ay isku dayeen
in ay dhacaan Dad rakaab ah oo
saaraa gaari ku safrayay
agagaarka Villa baydhabo.
Dagaalka
ayaa lasheegay inuu ka dambeeyey
kadib markii ciidamo katirsan
dowladda KMG ah ay dhac u
geysteen arday kasoo baxday
iskuul oo maraysay meel ku dhow
isgoyska Zoope, iyadoona markaa
kadib falka ay ku soo bexeen
ciidamo kale.
Labada
ciidan ayaa lasheegay inuu
dhexmaray iska horimaad sababay
dhaawac soo gaaray 8-qof oo
rayid ah oo ay ku jiraan qaar
kamid ah ardaydii ay dhaca u
geysteen ciidamada dowladda KMG
ah.
Goob
joogayaal ayaa sheegay in
mudadii uu socday iska
horimaadka dhexmaray labada
ciidan ay hakad galeen
dhaqdhaqaaqyada gaadiidka BL-ka
iyo goobaha ganacsiga inkasta oo
markii dambe ay dib u furmeen.
Saraakiisha ciidanka dowladda
KMG ah way ka gaabsadeen inay ka
hadlaan iska horimaadka maanta
labada ciidan ee kawada tirsan
dowladda KMG ah ku dhexmaray
isgoyska Zoope ee magaalada
Muqdisho.