Indha Cadde "Shabaab iyo Xisbul islaam ha is dilaano si dhibka umadda uga yaraado".


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 23ka Feberaayo, 2010.
 

Dowladda KMG Somalia ayaa si aad ah usoo dhawaysay khilaafka u dhexeeya Ururada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab waxayna sheegtay inaysan wax lug ah ku lahayn balse ay soo dhawaynayso in ay is dilaan kooxaha mucaaradka ah
 

Wasiiru dowlaha wasaarada Gaashaandhiga dowlada Federaalka Somalia Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde oo warbaahinta la hadlay ayaa markii ugu horeysay shaaca ka qaaday in dowlada KMG ah aysan wax lug ah ku lahayn dagaaladii kadhacay Deegaanka Dhoobleey ee Gobalka J/Hoose.

Yuusuf Indhacadde wuxuu sheegay in dagaaladii kadhacay deegaanka Dhoobleey ay ahaayeen kuwo u dhaxeeyay kooxaha hubeysan ee dowladda ka horjeeda, wuxuuna intaas ku daray ina ciidamada dowlada KMG ah aysan ka qeyb qaadan Dagaalkaas.

"Dowlada KMG ah qeyb kama ahayn dagaalkii Dhoobleey, diyaarna u ma ahan xiligaan inay weerar qaado" ayuu yiri Yuusuf Maxamed Siyaad Indhacadde Wasiiru dowlaha wasaarada Gaashaandhiga Dowladda KMG ah oo warbaahinta la hadlay.

Wuxuu intaas ku daray in dowlada KMG ah ay dhax dhaxaadin u sameyneyso ururad Al-shabaab iyo Xizbul Islaam oo uu sheegay in xiligaan uu u dhaxeeyo Khilaaf xoogan oo sababay inay dagaalamaan.