Mid ka
tirsan Khawaarijta Al Qacida oo
xalay lagu dilay Muqdisho
MudugNet, Muqdisho, Isniin, 8da Feberaayo, 2010.
Dil
xalay Magaalada Muqdisho loogu
geystay Khawaarij ka tirsan Al
Qacida isla markaana xubin fir
fircoon ka ahaa Xarakada Al
Shabaab ee ka dagaalanta Umadda
Soomaaliya.
Warar lagu kalsoon yahay oo
maanta soo baxay ayaa sheegaya
in Amaar Ibrahiim oo ah nin u
dhashay dalka Urdun (Cadaabta
Jahanama Allaha ku fogeeyee) in
xalay lagu qaarjiyey guri ku
yaala xaafada Adalle degmada
Yaaqshiid ee Magaalada Muqdisho
gaar ahaan agagaarka Hotel Kaah
iyadoo sida la sheegay ay
dilkiisa geysteen qaar ka mid ah
ilaaladiisa.
Warar soo baxay saakay aroortii
ayaa sheegay in ninka ay rasaas
la dhaceen ilaaladiisa
fiidnimadi xalay xilli uu
cibaadeysanayey hase ahaatee
waxaa la ogaaday in Mr Ibraahim
uu is difaacay ka hor inta uusan
dhiman.
Ilo wareedyo lagu kalsoon yahay
ayaa sheegay in dilka ninkan ay
ka danbeeyaan muqaabaraadka
Mareykanka iyaga oo adeegsaday
lacago iyo balan qaad ay u
sameeyeen raga ka danbeeyey
dilkiisa halka warar kale ay
tibaaxayaan in dilkiisa uu salka
ku ahaa muran kala dhaxeeyey
saraakiil kale oo ka tirsan Al
Shabaab gaar ahaan kuwa Ajnabiga
ah.
Muddooyinkaan dambe ayaa Waxaa
Khawaarijta iyo Alshabaab soo
kala dhex galay Shaki weyn iyo
Tuhun midba midka kale ka qabo,
iyagoo ragga horbooda Shabaabka
iyo Khawaarijtu ay wadaan is
ugaarsi dhexdooda ah.
Amaar Ibrahiim ayaa ah muwaadin
u dhashay dalka Jordan wuxuu
magaciisa caan noqday marki
dagaalada ay ka bilowden dalka
sanadi 2007,wuxuuna dhawaan loo
magacaabay madaxa Al Qacida ee
Somalia isaga oo bedelay Salax
Nabhaan oo ay Mareykanku sanadki
hore ku dileen magaalada Barawe.
Dilka
Saqajaankan catrabka ayaa ah
guul u soo hoyatay umadda
Soomaaliyeed waxaana ka
rajeyneynaa dhalinyarada kale ee
Alshabaab ee la marin habaabiyay
iney sidoo kale madaxa ka
toogtaan kuwa marin habaabinta u
horseeday Diinta Islaamkana ku
been abuurta