Ciidamada Gumaysiga Itoobiya oo la wareegay degmada Ceelbarde Gobalka Bakool iyo dhaq dhaqaaqyo Halkaasi ka soacda.


MudugNet, Muqdisho, Isniin, 8da Feberaayo, 2010.


Boqolaal katirsan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya ayaa maanta la wareegay Gacan ku haynta degmada Ceelbarde Gobalka Bakool oo dhacda xad beenaadka ay wadaagaan Somalia iyo Itoobiya.

Ciidamadaan oo wata gaadiidka dagaalka oo aad u fara badan ayaa la sheegay inay ka soo ruqaansadeen gudaha dalka Itoobiya, waxaana ay fariisimo ka dhigteen degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Ciidamada Itoobiya ee maanta soo galay degmada Ceelbarde ayaa durba halkaas ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ciidan, waxaana ay isku balaariyeen xaafadaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Wararka laga helayo degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa sheegaya in ciidamada Itoobiya-ka ah ee maanta halkaas soo galay ay xirxireen tiro dad ah oo isugu jira rag iyo haween, iyadoo aan la ogeyn ujeedada ay u dadka u xirxireen.

Qoysaska ku dhaqan degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool ayaa la soo sheegayaa inay soo food saartay cabsi xooggan oo la xiriirta soo galitaanka ciidamada Itoobiya ee gudaha degmada Ceelbarde ee gobolka Bakool.

Soo gelitaanka Ciidanka Itoobiya ee gudaha Somalia ayaa muujinaysa in Itoobiya aysan weli faragelinta ay ku hayso somalia waxaana muuqanaysa in Itoobiya ay taageero siinayso dowlad shariifka.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho

Faallo:

Aaway Mujaahidiintii shabaab iyo Madaxdoodii Khawaarijta aheyd! Horay ayaanu dhowr jeer ugu celcelinay inaaneey saqajaamiinta Shabaab iyo Xisbul Aweys marna la dagaalinCiidamada Kufaarta Tigreega ay mar kasta u heelan yihiin dhibaateynta Shacabka Dulman iyo Gacan ka goynta wiilasha ay marin habaabiyeen .

Cara ilaahey ha ku dhacdo Khawaarijta iyo wixii taageera Tigreega waxba oran meynee oo weli mowqifkeenii neceybka ahaa ayaan ka taagan nahay, iyaga iyo Khawaarijta iyo Shabaab iyo Xisbul Aweys waa Qowm loogu tala galay dabar gooynta Qowmiyadda Soomaaliyeed iyo Dhibaateeynta Shacabka Dulman

Cabdirisaaq Cadde
News Editor.