Taliska Ciidanka Booliska oo Faah Faahiyay Howlgallo ay ka sameeyeen Wadada Makka Al Mukarama magaalada Muqdisho.


MudugNet, Muqdisho, Isniin, 8da Feberaayo, 2010.
 

Saraakiil katirsan Ciidanka Booliska dowladad KMG Somalia ayaa faah faahin ka bixiyay Howlgallo ay maanta ka sameeyeen xaafado katirsan degmada Hodon ee Magaalada Muqdisho

Baaritaanada ay sameynayaan ciidamada dowladda KMG ah ayaa maalintii labaad kasoconaya isgoyska Dabka ee magaalada Muqdisho, waxaana ciidamada dowladda KMG ah ay si xooggan u baarayaan gaadiidka dadweynaha ee isticmaala isgoyska Dabka.

Qaar katirsan wadayaasha Gaadiidka dadweynaha ee halkaasi isaga kala goosha ayaa cabasho balaaran kamuujiyay Baaritaanada ay wadaan ciidamada dowladda KMG ah, iyagoona sheegay inay mararka qaar la kulamaan xayiraad.

"baaritaanadan waxaan kusoo qabanay Kooxo qaswadayaal ah oo doonayay in ay amaanka dadka haleeyaan, Hub iyo waxyaabaha qarxa ayaan gacanta kusoo dhignay"ayuu yiri Col. Bariise

Taliska Ciidanka Booliska dowladda KMG ah ayaa intaas ku daray in gaadiidka sida gaarka ah loo leeyahay uu yahay mid khatar ah islamarkaana ay ku qabteen Hub iyo Rasaas lagusoo qariyay.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho