Warar Dheeraad ah ayaa kasoo
baxaya duqaymo arxan darra ah oo
ay Ciidamada Shisheeye ka
gaysteen qaybo katirsan
Waqooyiga iyo Koonfurta
magaalada Muqdisho waxaana jira
khasaara aad u xoogan oo soo
gaaray dadka Rayidka ah.
Duhurnimadii
maanta ayaa waxaa la maqley
madaafiic xoogan oo kasoo
dhaceysa xarumaha dowladda kmg
ah iyo saldhigyada ciidamada
shisheeye ee Ugandha iyo Burundi
ay ku leeyihiin magaalada
muqdisho kuwaasi oo si daran ugu
hoobanayey xaafado ka tirsan
degmooyinka yaaqshiid iyo
wardhiigley ee gobolkan Banaadir.
Inta la ogyahey madaafiicdaasi
oo ahaa kuwa aad u culus waxey
sababeen dhimashada hal ruux oo
rayid ah iyadoona ay ku
dhaawacmeen kudhawaad 4-kale oo
dhamaantood ahaa dad rayid ah oo
madaafiicdu ay ugu tagtey
deegaanadadii ay degenaayeen.
Xaafadda Xamar Bile ee degmada
wardhiigley ayaa madfac xoogan
oo kusoo dhacey waxaa uu sababey
geerida hal ruux iyo dhaawaca
tiro kale oo aan si rasmi ah loo
garaneynin cadadkooda iyadoona
madaafiic kale ay ku dhaceen
xaafadda suuq bacaad ee degmada
yaaqshiid.
Dhibaatadan ay Ciidanka
shisheeye ka gaysteen xaafadaha
magaalada Muqdisho ayaa kusoo
aadaysa xilli aanay magaalada
Muqdisho ka jirin wax dagaallo
ah oo u dhexeeya dhinacyada isku
diidan siyaasadda.