Kooxaha Islaamiyiinta oo digniin u diray General Maxamed Nuur Galaal oo dhaq dhaqaaqyo ka wado G/gaduud.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Feberaayo, 2010.


Ururada Xisbul Islaam iyo Al Shabaab ayaa eedayn ku jeediyay General Galaal in uu dagaallo hor leh ka abaabulayo gobalada dhexe ee Somalia gaar ahaan gobalka Galgaduud.

Kooxaha Islaamiyiinta ah waxay sheegeen in ay dagaal ku qaadi doonaan Galaal iyo Ururka Ahlusuna oo ay ku eedeeyeen in ay Itoobiya ku xiranyihiin.
Sheekh Salmaan Sahal Muuse madaxa arrimaha Bulshada Xisbul Islaam ayaa sheegay in Galaal uu khalad weyn galay loona baahanyahay in talaab laga qaado sida uu hadalka u dhigay.

Waxaa kaloo intaas kudaray Shiikhaasi ka tirsan ururka Xisbul islaam in ay tahay in Genaral galaal uu gabi ahaanba isaga baxo Gobolka galgaduud, aysan ahayn ay kula dagaalami doonaan.

Dhinaca kalana war kasoo baxay sheekh Fu'aad oo kamid ah madaxda xarakada Al-shabaab ayaa waxaa uu sheegay in ay kawarhayaan dhaqdhaqaaqyada uu Genaral Mxamed Nur Galal uu kawado Gobolka galgaduud, waxaana uu intaas kudaray in ay tilaabo cad ka qaadi Doonaan.

Hadalkan kasoo yeeray Islaamiyiinta ayaa kusoo aadaya xilli uu Genaral Galaal Galgaduud ka sheegay in uu Khibradiisa ciidan ku kaalmayn doono Ururka Hubaysan ee Ahlusuna oo dagaallo kula jira Islaamiyiinta.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho