General Galaal oo shaaciyay in uu Galgaduud u tegay sidii uu u xoojin lahaa Ururka Hubaysan ee Ahlusuna


MudugNet, Muqdisho, Isniin, 8da Feberaayo, 2010.


Saraakiil horay uga tirsanaa Ciidankii hore ee Somalia ayaa bilaabay in ay dib ugusoo laabtaan gudaha Somalia iyagoona ka qayb qaadanaya dagaalada sokeeye ee ka socda daljka Somalia

General galaal oo dhawaan soo gaaray magaalada Guriceel Gobalka galgaduud ayaa daboolka ka qaaday in uu taageero dhan walba ah siinayo Ururka Ahlusna oo ay horboodayaan Maleeshiyaad ay jufa hoosaad yihiin General Galaal.
Gen. Maxamed Nuur Galaal oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ujeedada ka dambeysa socdaalka uu ku joogo gobolada dhexe ee dalka Somalia ay tahay sidii uu khibrad dhanka Milatariga ah u siin lahaa ciidamada ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca ee gacanta ku haya gobolka Galgaduud si ay uga guuleystaan xoogagga kahorjeeda.

Galaal ayaa sheegay inuu kulamo la qaadanayo mas'uuliiinta sarsare ee ururka Ahlu Sunna Wal Jameeca si loo xoojiyo tayada ciidamada ururka Ahlu Sunna, waxaana uu xusay inay jiraan kulamo horu dhac ah oo uu la yeeshay mas'uuliyiin katirsan ururka Ahlu Sunna.

"Socdaalkaygu waa cadyahay waxaan u imid sidii aan Ururka Ahlusuna usiin lahaa Khibradayda ciidan si ay ula dagaalamaan qolyahan cadawga ah"ayuu yiri Galaal oo Guriceel kula hadlayay saxaafadda

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho