Dowladda
KMG ah oo dhaqaale xumo aawgeed
aan dagaal ku qaadi karin
Islaamiyiinta
MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Feberaayo, 2010.
Dowladda KMG Somalia ayaa la
sheegay in ay ku fashilantay
abaabul dagaal oo ay ku
doonaysay in ay ku qaado
islaamiyiinta kadib dhaqaale
xumo soo wajahday waxaa kale oo
la sheegay in ay jirto isku
xirnaan la'aan ka dhax aloosan
madaxda dowladda.
Wakaalada wararka ee AP
ayaa Maanta daabacday in dib u
dhaca howlgalada Ciidamada
dowlada ay ka samayn lahaayeen
dalka Somalia uu ragaadiyay
dhaqaalo la'aan taas oo ay ugu
horayso mushaar la'aan haysata
ciidamadii loogu talagaly in ay
howshaas qabtaan.
Wakaalada AP oo
waraysatay Wasiiru dowlaha
Gaashaandhiga Dowlada KMG
Soomalaiya Sh Yuusuf Maxamed
Siyaad Indha cade ayaa waxaa uu
sheegay in beesha caalamka ay ka
gaabisay taageerada maaliyadeed
ee ciidamaad dowlada KMG
Soomaaliya.
Sh yuusf indha cadde ayaa ku
goodiyay in ay diyaar uyihiin
dagaal xoogan oo ay la galaan
dhinacyada kasoo horjeeda sida
uu hadalka udhigay, waxaana uu
intaas kudaray in ciidamada
dowlada uu u dhamaaday diyaar
garowgoodii ay wadeen.
Warkan ayaa khilaafsan
Hanjabaado ay wasiiro katirsan
dowladda maalmihii lasoo dhaafay
ay ka jeedinayeen Idaacadaha
magaalada Muqdisho kuwaasi oo ku
baaqayay dagaal ka dhan ah
Islaamiyiinta mucaaradka ah.