Ciidamada Itoobiya oo dad rayid ah ka qafaashay deegaano ka tirsan gobalka Bakool oo ay shalay soo galeen.


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Feberaayo, 2010.


Faah faahin ayaa kasoo baxaysa xaaladda ay ku suganyihiin deegaanno ka tirsan Gobalka Bakool oo ay shalay qabsadeen Ciidamo Tikree ah iyo Maleeshiyaad Somali ah oo la socday

ciidamada ayaa la shegeyaa in galinkii danbe ay dad halkaasi ka qabqabteen kuwaa oo ay markii danbe ay soo sii daayeen lama oga ilaa haatan ujeedka ka danbeeya imaanka ciidamada ay ku soo gaareen gobolkaasi.

dadka deegaanka ayaa walaac ka muujiyay xiisadaan dagaal ee laga dareemayo guud ahaan deegaanka waxa ayna sheegeen in amaanka deegaanada Tikreega joogaan uu haatan yahay mid aan la isku haleyn karin maadaama labada dhinac ay ku kala suganyihiin ,xoogaga islaamiyiinta ayaa laga yaabaa in ay weeraraan meelaha ay joogaan Itoobiyanaka iyo kuwa dowladda.

Dhinaca kale Ciidankii Itoobiya ee shalay qabsaday magaalada Ceelbarde ayaa qafaashay Haweenay iyo carruur ay dhashay oo ay ka kaxaysteen magaalada, Dadka deegaanka ayaa sheegay in Gacanta ciidanka Tikreega ay ku jirto Haweenaydaasi Muslimadda ah.

Ciidamada Itoobiya iyo Maleeshiyaadka la socda ayaan la ogayn waxa ay kala kulmi doonaan gobalada Bay iyo Bakool oo ay maamulaan xoogaga Shabaabul Mujaahidiin wilaayaad Islaami ahna ka dhisay.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho

Su'aasha meesha taala ayaa waxay tahay Aaway shabaabul Mujaahidiin Maxey u difaaci la'yihiin Shacabka ay Gacnaha iyo Lugaha gudubka uga jaraan, Mise waxay aaminsan yihiin in Amxaaradu NAbiga u duceeyay oo aan marna laga guuleysan karin, Mise Faalkaa u sheegay ineysan la dagaalamin Amxaarada.

Si kastaba ha ahaatee Shabaab iyo Xisbul Aweys iyo Guud ahaan Maxaakiimtii Burburtay waxaa cad inaaney marna Axad ka tirsani dagaal kala hor tagin Tikreega marar badanna aan ku celinay, waxaa dagaalamayay waa Shacab Wadaniyad iyo Diin Jaceyl ku jirtay.

Cara Ilaah ha ku dhacdo kuwa Diinta ku qaraabta oo dhibaatada nagu hayo , Shabaab iyo Xisbul aweys iyo Intii ku fikir ah ha ugu horeeyaan Shiikh Shariifna ku xigo iyo xulafadiisa.

abtidoon Baahalow
chibogaumau, Quebec, Canada.