Al Shabaab oo soo bandhigtay Hub iyo Saraakiil kasoo goostay dowladda Federaalka KMG Somalia
 


MudugNet, Muqdisho, Talaado, 9ka Feberaayo, 2010.


Ururka Al Shabaab ayaa maanta soo bandhigay Hub farabadan iyo sarkaal sare oo katirsanaa Dowladda KMG Somalia oo xalay saqdii dhexe ka soo baxsaday fariisin ay ku lahaayeen Warshadii hore ee Nac Naca degmada wadajir.

Munaasabad balaaran oo maanta ka dhacdau Xeradii Guul wadayaasha ayay Al Shabaab kusoo bandhigeen 50-qoray oo ay wateen 50 Askari oo dowlada katirsan balse waxaa lasoo bandhigay qoryaha iyo sarkaalkii hogaaminayay ciidanka.
 
iyadoo dhaq dhaqaaqyo Ciidan oo aad u xoog ban ayaa aga dareemayaa degmooyinka magaalada Muqdisho kuwaas oo u Inka badan 60-askari oo ka tirsanaa dowladda KMG ah ayaa lasheegay inay isku dhiibeen ururka Al-shabaab oo dagaal kala horjeeda dowladda KMG ah ee Somalia iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho.

Saraakiil katirsan Al-shabaab ayaa saxaafadda u xaqiijiyey arrintaan, Sheekh Cali Dheere Afhayeenka Al Shabaab oo saxaafadda kula hadlayay ayaa sheegay in Hub badan iyo ciidan iskusoo dhiibeen.
"Maleeshiyadaan waxaa qalday amisom iyo dowlada shariifka oo aan Riddo u naqaan,siwaanaagsan baan ula dhaqmaynaa Hubkooda waan u lacagaynaynaa wax dhib ah uma gaysanayno"ayuu yiri Cali dheere.

Baashi Axmed Urur oo ahaa sarkaalkii watay ciidanka isdhiibay ayaa sheegay in dhibaata xooga ay la kulmayeen, inkastoo aysan dowladu ka hadlin arrinka ayay Dadka Muqdisho si weyn uy aqaanaan Hubka lasoo bandhigay oo aad ugu yar magaalada waana nuuca Muqdisho looga yaqaan "AK Shariif" waana Hub dhawaan loo keenay dowladda oo aan nuuciisa oo kale suuqyada laga helin hadii laga helana oo qaali yahay

Ciidamadaan ayaa wararku sheegayaan inay yihiin kuwa dhawaan tababar ku soo qaatay dalka dibadiisa, waxaana hogaaminaya sargaal sare oo katisran ciidanka dowladda KMG ah gaar ahaan kuwa tababarka dalka dibadiisa ku soo qaatay.

Mudugnet.com Xafiiska Wararka Magaalada Muqdisho.

Warkaan isaga ah ma xaqiijin karno, waxaana u soo galinay sida wariyaheenu noogu soo qoray, Ilaah uun baa og waxa xaqiiqda ah, raggayagan webkan Tifa tira waxaan aad uga soo horjeednaa Argagixisada Shabaab oo hadii aanu mid ka harin aan ugu farxi laheyn, waxaana aaminsanahay iney yihiin kuwo Cadawga Umadda Soomaaliyeed ku adeegtaan  sida : CIA , Mosad, iyo Alqaaacida.

Ilaah meel xun ha mariyee, Shariif kuna taladi wadanka nabad loogu soo dabaali lahaa iyo caqligeeda midna ma haayo .

Talo isma kaa siiso maalintii la dooranayay Geedka wajiga madow leh, waxaan ka jeclaa in Nuur Cadde la soo doorto badalkiisa, waase Talo Cadow oo shariif oo aan innaba wax khibrad ah u laheyn Maamul dowlad iyo kala dambeyn la inooga soo dhigay madaxweyne, Gablan!.

Abtidoon Baahalow